Animation

Daawo: Qaabka loo kala qaaday Ciidamada Maleeshiyo Beeleedka ah ee Dhawaan ku dagaalamay Galbeedka magaalada…..

one response
Sunday November 27, 2016 - 9:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay inuu kala qaado maleeshiyo Beeleedyadii Maalmahan ku dagaallamayay Duleedka Magaalada Baladweyne.

Col: Cabdi Axmed Weheliye  oo ah afahayeenka gudiga amniga ayaa sheegay in ay goobta tageen iyadoo uu dagaalku socdo, isla markaana ay ku guuleysteen in ay kala dhex galaan.

Wuxuuna sheegay inuu goobtu ku geeriyooday Hal Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Booliskiisa Soomaaliyeed, markii ay haleeshay Rasaastii lays weydaarsanayay.

“Waxaan amar ku bixinneynaa cidii jabisana inaanan uga aalli doonin oo aan kula xisaabtami doonno,Labada maleeshiyo waan kala qaadnay Beesha Jajaale waxaan geynay  Far majabaaleey, halka aan Beesha Gaaljecelna geeynay Burjada Ciilta, Ciddii heshiiskaas jabiso waxaan ka qaadaynaa tallaabo sharciga waafaqsan oo aan cidna loogu aabbo yeeleyn” ayuu Yiri Gudoomiye Cali Jeyte.

Maamulka Gobolka, Odayaasha dhaqanka ee Gar wadeenka ka ahaa heshiiskan, Guddiga nabd gelyada ee loo xilsaaray iyo Taliska Amisom, ayaa si wada jir ah isugu raacay inay Beeshii qaatad weyda Xabbad joojinta la qaado Tallaabo wada jir ah.

h1 h2 h3 h4 h5 h6 h7 h9