Animation

Daawo: Qaabka Loo Dilay Qoraa Caan ah oo u dhashay Wadanka Jordan Kaasi oo Aflagaadeeeyay Diinta Islaamka

no responses
Sunday September 25, 2016 - 8:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay qoraa caan ah oo u dhashay Jordan kaasoo lagu magacaabo Nahed Hattar meel ka baxsan maxkamadda halkaas oo uu ku wajahayay eedeemo la xiriira in uu barta facebook dhigay sawir gacmeed ama cartoon loo arko inuu aflagaada ku yahay Islaamka ama la qoonsaday.

Hattar ayaa waxaa lagu dhuftay saddex xabadood ka hor inta aan gacanta lagu dhigin ninka falka geestay sidaana waxa sheegay wakaaladda wararka ee Petra.

Goobjoogayaal iyo booliska ayaa sheegay in Nahed Hattar, 56, jir ah uu isku diyaarinaayay inuu ka qeyb galo dhageysi maxkamadda markii nin hubaysan uu ka toogtay masaafo dhaw.

waxa uu taagna meel hal mitir u jirta Nahed oo jaranjarada Maxkamadda Sare ayuu yiri goobjooge codsaday in aan la magacaabin oo la hadlay wakaalada wararka ee Associated Press .

Hattar, oo  haysta diinta Christianka , ayaa la xiray 13kii bisha August ka dib markii uu Facebook galiyay sawir gacmeed nin matalayo inuu jannada ku jiro oo sariir ay kula jiifaan dumar dhinacyaha ka xiga afkana ku haysta sigaar ,islamarkaana Ilaah ka baryaya inuu u keeno khamri.

Qoraaga ayaa markii danbe bogiisa ka saaray cartoon ka isagoo sheegay in uu ula jeeday sawirka argagixisada iyo fikraddooda ku aadan janada iyo allah .

ma aheen mid aan sinaba ula jeeday inaan ku xadgudbay ama aan sharaxayay jiritaanka Ilaahay ayuu yiri “.

Dad badan oo Muslimiinta Jordan ayaa u arkay sawirka weerar diintooda.

Maamulkana ayaana sidoo kale sheegay in Hattar ku xadgudbay sharciga markii uu la wadaagay sawirka barta bulshada.

Afhayeen u hadlay Dowladda Mohammad Momani ayaa cambaareeyay dilka Hattar “oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbaleenin.”

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

3500 7876082-3x2-700x467 afp_gg8ww_20160925122049-ku5d-656x409lavanguardia-web

PHOTOS: Jordanian Writer Nahed Hattar Assassinated outside Supreme Court

PHOTOS: Jordanian Writer Nahed Hattar Assassinated outside Supreme Court

nahed-hattar nahed-hattar-jordanien-erschossen-2