Animation

Daawo: Qaabka ay Xildhibaanada Hirshabeele u dhageysteen Khudbadaha Musharixiinta u taagan Xilka Guddoonka Sare ee Baarlamaanka

no responses
Wednesday October 12, 2016 - 8:07 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeellaha Dhexe oo uu ka socdo shirka dhismaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa Caawa lagu qabtay kulan ay mudaneyaasha Baarlamaanka Maamulkaasi ku Dhageysanayeen Qudbado ay jeedinayeen Musharixiinta u taagan Qabashada Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Maamulkaasi.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Waxaa u taagan Sadax Musharax oo lagu kala Magacaabo:-

  1. Abuukar Xasan
  2. Sh Cismaan Barre
  3. Cali Cabdulle Isgoow

Ku xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Hirshabeelle Waxaa u taagan Hal Musharax oo lagu Magacaabo Cabdi Xuseen Geedi, halka ku xigeenka labaadna ay isku soo Sharaxday Marwo Canab Axmed Ciise.

Mudaneyaasha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa mid mid u dhageystay Qudbadaha ay jeediyeen Musharixiinta, maalinta barito ayaana la filayaan in mudanayaashu ay doortaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

14628232_648663805294731_585257175_n 14642833_648663771961401_1834391060_n 14658251_648663855294726_487968136_n 14686057_648664301961348_1938814426_n 14686422_648663785294733_20425582_n 14686478_648664251961353_723193612_n 14696887_648663725294739_541184697_n 14699815_648663728628072_105780054_n 14699878_648663745294737_1996693642_n 14699946_648663821961396_1485979183_n-1

Facebook Comments