Animation

Daawo: Qaabka ay u dhacday Munaasabaddii Caleema Saarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele

no responses
Saturday October 22, 2016 - 6:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Munaasabad Lagu Caleema saaraayo Madaxweynaha Maamulka Cusub Hirshabeele iyo ku Xigeenkiisa ayaa Maanta waxa ay ka dhacday Magaalada Jowhar.

Munaasabada oo aheyd mid si weyn loosoo agaasimay ayaa waxa ka qeyb galay Masuuliyiinta ugu sareeysa Dalka iyo Madaxda maamul Goboleedyada Qaar Beesha Caalamka iyo Wakiilada Dalalka Caalamka Soomaliya u fadhiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Munaasabada Sidaasi oo kale waxaa Munaasabada kasoo qeyb galay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada K/Galbeed iyo Galmudug Cabdi Kariim Guulled iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweyne ku Xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Mas’uuliyiinta Beesha Caalamka ee ka soo qeybgashay xafladan caleemasaarka waxaana ka mid ahaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Michael Keating,wakiil ka socday Midowga Afrika,danjiraha ururka Jaamacada Carabta Maxamed cabdulaahi idiris,safiirka dowlada Shiinaha iyo mas’uuliyiin ka socotay urur goboleedka IGAD iyo dowlada Ethiopia.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay xaflad lagu caleemo saarayay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in howshan loo dhabar adeegay, isla markaana ay ka qeyb qaateen inta badan bulshada labada gobol.

“Anigoo ku hadlaya magaca Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan magaca Dowladda Soomaaliya waxaan u mahadcelinayaa dhamaan intii ka qeyb qaadatay hirgelinta howshan, iyo mas’uuliyiinta labada gole ee dowladda ee ka soo jeeda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyagana waan u mahadcelinayaa, waxaan kaloo u mahadcelinayaa odoyaasha dhaqanka oo door muuqda ku lahaa dhismaha maamulka Hirshabeelle” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay socdaalkii uu dhawaan Madaxweynaha Hirshabeelle uu ku tegay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo qeyb ka ah sidii uu maamulkiisa u xalin lahaa cidkasta oo tabasho qabto.

Sidoo kale Madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u hambalyeeyay maamulka cusub ee Hirshabeelle waxana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in maamulkan u ku soo biiro maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah madaxdii ka qeybgashay ayaa ku amaanay shacabka reer Jowhar martigelinta shirka isagoo soo xusuusiyay dadkii ka qeybgalay shirka in magaalada Jowhar ay ahayd magaalo 12 sano kahor soo dhoweysay dowladii kumeelgaarka ahayd ee Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha Galmudug Cabdkarin Xuseen Guuleed oo horena goobjoog uga ahaa doorashadii Madaxweynaha iyo ku xigeenka Hirshabeelle, waxana uu ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle booqashadii uu ku tegey magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo qudbad ka jeediyay xaflada caleema saarka ayuu ugaga mahadceliyay madaxda ka soo qeybgashay munaasabada caleema saarka waxana uu sheegay in shacabka reer Hiiraan inay diyaar u yihiin in ka qeybqaataan dhismaha maamulka Hirshabeelle.

“Waxaan si dhaqso ah u soo dhisi doonaa xubnaha Aqalka Sare wadatashi kadib sidoo kale waxaa ay oday dhaqameedyada ay soo xuli doonaan xubnaha u tartamaya baarlamaanka hoose iyadoo doorashadana ay ka dhici doonto Jowhar,”ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.

1-7 2-7 4-5 7-4 calemasaar-7 calmasaar-1 calmasaar-3 calmasaar-5 calmasaar-6 calmasaar-7 calmasaar-8 calmasaar-9