Animation

Daawo: Qaabka ay u dhacday Kala Qaadista Ciidamada Puntland iyo Galmudug ee Isku Horfadhiyay Galbeedka Magaalada Galkacyo Maxaase Hada Cusub???

3 responses
Saturday November 19, 2016 - 7:53 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddiga dhex-dhexaadinta colaadda Puntland iyo Galmudug oo uu horkacayo R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali, ayaa waxay Maanta ku guuleysteen inay kala qaadaan Ciimada Labada maamul ee Todobaadyadii lasoo dhaafay isku hor fadhiyay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Labada Ciidan ayaa masaafo mid dhowr KM ah ka ruqaansaday halka ay isku hor joogeen oo ah Dooxada Galbeed ee Magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ay qudbado ka jeediyeen masuuliyiintii iyo ergadii ku howlanayd nabadaynta Magaalada Gaalkacyo.

Dadkii ka barakacay Magaalada ayaan weli kusoo wada noqon Guryahooda, maaddaama ay dhowr goor oo hore bur-bureen xabbad joojinno halkaasi laga gaaray, waxanay Saraakiisha Labada dhinac ballanqaadeen inay xakamaynayaan Ciimadooda

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codadka Masuuliyiinta Goobta ka hadashay:

dsc08792 dsc08793 dsc08798 dsc08804 dsc08808 dsc08815 dsc08816 dsc08853-640x360 dsc08872-640x360 dsc08875-640x360 dsc08879-640x360 dsc08882-640x360 dsc08883-640x360 dsc08884-640x360 qaa1 qaa2 qaa3 qaa4 qaa5 qaa-640x480