Animation

Daawo: Qaabka ay u dhacday Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeenkiisa ee Maamulka Hirshabeele

no responses
Friday October 14, 2016 - 6:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Waxaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Gobolka Sh/dhexe doorashooyinka Guddoonka Baarlamanka Hir-Shabeelle, iyadoo aan loo kala kicin.

Waxaa tartan ka dib loo dooratay Guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, waxaa ku xigeenka ku guuleystay loollan ka dib  Cabdi Xuseen Geeddi, halka Guddoomiyaha labaad oo ay u taagnaayeen Saddex murashax kusoo baxday Gabadha lagu magacaabo, Canab Axmed Ciise, oo heshay 46 Cod.

Canab Axmed Ciise ayaa noqoneysa Haweeneydii ugu horreysay ee xil caynkaasi ah ka qabato maamul goboleedyada ka jira Dalka,waxanay tani ahmiyad weyn ugu fadhidaa Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya door Lixaad leh ka qaadatay habsami u socodka shirka.

Afhayeenka golaha Shacabka Soomaaliya,Maxamed Sheekh Cusmaan Aaden, ayaa ku ammaanay ergadii shirkaasi soo daaddahaynaysay muddada dheer iyo Dhabar adayga ay sameeyeen, wuxuuna sheegay inay ka mira dhaliyeen hawshii cusleyd ee ay soo qabteen loogana baahan yahay inay halkaasi kasii wadaan wixii dhiman.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 14-ka Oktoobar ayaa lagu wadaa in la dhagaysto qudbadaha Murashaxiinta u tartamaysa xilalka Madaxweynenimo iyo ku xigeennadiisa, waxaana la filayaa in Berrito ay dhacdo doorashada, halkaas oo lagu soo afjari doono wejigii ugu dambeeyay ee geeddi socodka maamul u samaynta Labada Gobo loo ku bahoobay Magaca Hir-Shabeelle.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

doorasho-1-sheekh-cusmaan-barre-maxamed doorasho-3-canab doorasho-4-jawaareey doorasho-barlam-1 doorasho-barlam-2 doorasho-barlam-4 doorasho-barlam-5 doorasho-barlam-6 doorasho-barlam-7 doorasho-barlam-8

Facebook Comments