Animation

Daawo: Qaabka ay Magaalada Kismaayo uga dhacday Munaaabada Furitaanka Xafiiska dhexe Ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maamulka Jubbaland

no responses
Wednesday November 9, 2016 - 5:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Col Maxamed Aadan Koofi oo ay wehliyaan xubno ka tirsan baarlamaanka Jubbaland, ayaa maanta Magaalada Kisaamyo ee Xarunta dowlad Gobaleedka Jubbaland uga qeybgalay munaasibad xarigga looga jaray xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya ee Jubbaland.

 

Col Maxamed Aadan Koofi oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in maamulka iyo bulshada Jubbaland uu ahmiyad gaar ah u leeyahay furitaanka Xafiiska islamarkaana ay si fudud ku helidoonaan adeegyadii ay baahnaayeen.

 

“Laga billaabo maanta Xafiiskaan wuu idiin furanyahay, waxaa ka heli doontaan adeegyadii dhinaca socdaalka ee aad u baahneedeen, waxaana rajeynayaa in uu daboolo baahi weyn oo aad in badan sugeysaan, adinkana waxaa la idinkaga baahanyahay in aad gacan siisaan lana dhowro shuruucda Socdaalka” ayuu yiri Mudane Koofi

 

Xildhibaanada iyo Qeybaha bulshada ee ka qeybgalay munaasabadda ayaa soo dhaweeyay furitaanka Xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, iyagoo uga mahadceliyay Agaasimaha Hay’adda sida uu ahmiyadda gaarka ah u siiyay Jubbaland, maadaama ay meesha ka baxday baahidii dhinaca socdaalka ee ay qabeen.

 

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay ku howlaneed sidii loo ballaarin lahaa adeegyada ay ka sugayeen shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dhawaan Xafiis kan lamid ah laga hirgaliyay Magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah Dowlad Gobaleedka Galmudug.

 

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

14440632_990813501046534_6904577339727406276_n 14915656_990814141046470_9177872427697724095_n 14922231_990812544379963_7471923516249584073_n 14925526_990813124379905_8640833308201590038_n 14925586_990812851046599_4522950864409719283_n 14925760_990814724379745_3464235666110048634_n 14937176_990813751046509_2654888066333731094_n 14937181_990817441046140_2295803371592041322_n 14938241_990811331046751_6376665430201250818_n 14947560_990808364380381_4042548812099283401_n 14947665_990814474379770_5194738591100244613_n 14947810_990808987713652_7612396630308686009_n 14947865_990817981046086_9092004827391300473_n 14955903_990813347713216_8409548813190617363_n 14955981_990814387713112_4518566176943933012_n 14956383_990808747713676_7432928742027052938_n 14993429_990809187713632_6290272666414089412_n 15027987_990808531047031_168008065434722774_n