Animation

Daawo: Puntland oo xabsiyada ka sii deysay dhalinyaradii ugu badneyd ee alshabaab lagu……

no responses
Sunday May 7, 2017 - 2:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka puntland ayaa maanta sii deysay 11 dhalinyaro ah oo lagu tuhmaayay in ay ka tirsanyihiin xarakada alshabaab.

Maxkamadda ayaa ragaan horay ugu eedeysay in ay doonayeen in falal argagaxiso ah ay ka fulin rabeen deegaanada puntland kadibna howlgal lagu soo qabtay.

Dacwadda dhalinyaradaan ayaa socotay mudo dheer waxaana maanta oo axad ah taariikhdana ay tahay 7-5-2017 xoriyadooda dib loogu soo celiyay markii maxkamadda ay dambi ku weysay.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamadda ee 5ta gobolka Cabdi Fatax Xaaji Aadan oo go’aanka Maxkamada ku dhawaaqay ayaa sheegay in Maxkamadu ay ragaan ku weyday falal dambiyeedkii argagaxisinimada ahay ee lagu soo oogay.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in maxkamadda markii ay dambiyada ku weyday dhalinyaradaan ay amarta in dib xoriyaddooda loogu celiyo fasaxna ay yihiin.