Animation

Daawo: Puntland oo soo Gaba gabeysay Doorashadii Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Garoowe ka socday

one response
Sunday November 6, 2016 - 3:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maalintii labaad waxaa ka bilowday Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland Doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee baarlamaanka soomaliaya uga mid noqon lahaa Puntland iyadoona maanta la doortay laba Mudane oo ka mid ahaa 12 Xil dhibaan ee ugu Horeeyay kana haray 10 Mudane oo ay ergooyinku shalay Doorteen.

Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka tirsan Guddiga dorashooyinka dadban ee heer federal ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta kadib markii ay soo dhammaadeen codaynta kuraasta 11aad 12aad ee aqalka Hoose.

Xil dhibaanadaan manta la doortay ayaa kala ahaa C/laahi Bile Nuur iyo Cabdi Casiis Maxamed qanbi oo ay la tar tamayeen musharaciin dhowr ahi.

Guddiag Doorashooyinka dadban ee heer federal iyo maamul Gobaleed ayaa sheegay inay soo dhammaatay doorashada 12kii xildhibaan ee ugu horeeyay ee ka mid noqon doona aqalka Hoose ee baarlamaanka soomaaliyeed lana Gudda gali doono keenista ergooyinkii dooran lahaa 12 xildhibaan ee ku xiga ayna habkaa ku socon doonto ilaa laga soo dhammays tirayo tirade laga rabo beelaha Puntland daga.

h1 h2-768x432 h3-300x169 h4 h7