Daawo: Puntland oo soo bandhigtay kaararka codeynta doorashada soomaliland oo lagu qabtay gobolka….

no responses
Monday November 13, 2017 - 3:59 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Wafti uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland Axmed Ibraahim Cawaale oo gaarey Gobolka Cayn ayaa gacanta ku dhigay qaar ka mid ah kaararka codbixinta Somaliland oo halkaas lasoo gaarsiiyay.

Talaabadaan ayaa qeyb ka ah hawlgalo balaaran oo ay Puntland uga hortageyso in maamulka Somaliland uu soo gaarsiiyo diiwaangalinta iyo kaararka codbixinta doorashada xuduuda Gobolladda Sool,Sanaag iyo Cayn oo maalmihii lasoo dhaafey ay wadey ciidamada Puntland.

Gobollada sool sanaag iyo cayn ayaa aad looga diiday doorashada maamulka soomaliland uu wado waxaana shacabka gobolladaasi ay sheegeen in aysan dooneyn doorasho ku sheega uu maamulkaasi wado.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada 

Facebook Comments