Somali News Top News

Daawo: Puntland oo Magaalada Galkacyo kusoo Bandhigtay Askar ka tirsan Ciidanka NISA oo Puntland isku Dhiibay

Galabta Gabal Dhicii waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu soo Bandhigay Ciidamo ka tirsan NISA oo la sheegay in ay isku dhiibeen Maamulka Puntland.

Ciidanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowlada ay kusoo qaladay Dagaalka Galkacyo islamarkaana ay ka biyo diideen in ay ka qeyb galaan Dagaalka Halkaa ka socda.

Saraakiishaan ayaa sheegay in NISA Qaybta Caabudwaaq ay ka torsan yihiin loona sheegay in isbaarooyinbay qaadayaan kadibna dagaal la gashay.

Waxay Xuseen in Ciidanka NISA horay loogu sheegay in ay ka qeyb qaadan doonan sugitaanka Amaanka Goobaha doorashooyinka ee Cadaado Balse loo weeciyay Dhanka Galkacyo oo Xiisad dagaal ay ka jirto.

Ugu Dambeyn Ciidankaa NISA ka tirsan ayaa Puntland uga Mahad celiyay Sida wanagsan ee loo soo dhaweeyay iyagoona sheegay in Marnaba aysan ka qeyb qaadan doonin Dagaal u dhaxeeya Laba Maamul oo Walaalo ah oo Hal deegaan uu ka dhaxeeyo.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Ciidanka Isku dhiibay Puntland

 

gg-18 gg-19 img_03053-7

Related posts

Deg-Deg: Howlgallo maanta ka socda duleedka magaalada Garbahaarey

admin

Dhagayso:- Taliyaha Cusub ee Qeybta Gobalka Karkaar oo xilka La wareegay

Tifaftiraha K24

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa weeraray Saldhigyo Al Shabaab

Ahmed sudani