Animation

Daawo: Puntland oo boosaaso kusoo bandhigtay saraakiishii ugu sareeysay daacish oo isa soo dhiibay

no responses
Tuesday June 20, 2017 - 5:44 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka puntland ayaa soo badhigtay rag ay sheegtay in ay kasoo goosteen kooxda daacish ee ku dhuumaaleysaneysa buuraha galgala.

Ilaa sideed ruux ayey puntland kusoo bandhigeen magaalada boosaaso waxaana ay sheegeen in markii hore ka tirsanaayeen ragaan alshabaab kadibna ay ku biireen daacish markii dambana isku soo dhiibeen maamulka puntland.

Sideedaan nin ee isa soo dhiibay ayaa badankood,waxaa lagu sheegay in ay ahaayeen Saraakiil Sar Sare kuwaas oo ka tanaasulay fikirkii ay horay u aamninsanayeen sida ay Warbaahinta u sheegeen.

Saraakiisha puntland waxa ay sheegeen in ragaan ay bedeleen fikirkooda xagjirnimada ahaay ayna qaateen nabada.