Daawo: Nabad sugidda Jubbaland oo soo bandhigatay Qaraxy iyo raggii lagu soo qabtay

0

Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka qeybta Jubbaland ayaa soo bandhigtay miinooyin iyo waxyaabaha qarxa oo ciidamada ammaanka ay xalay howlgallo ay kusoo qabteen.

Howlgallada kismaayo ka dhacay waxaa sidoo kale ciidanka ay gacanta kusoo dhigeen 2 ruux oo ay sheegeen in qaraxyada ay diyaarinayeen.

Korneyl Axmed Muuse, oo ah Madaxa Hay’adda dambi baarista Maamulka Jubaland ayaa sheegay in Labo Nin iyo waxyaabaha qarxa ay gacanta ku dhigeen.

Waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay doonayeen in ay qaraxyadaas u adeegsadaan dadka Rayidka ah ee Magaalada Kismaayo iyo degaannada Jubaland.

Korneyl Axmed ayaa sheegay in mid ka mid ah Ragga la soo qabtay lagu magacaabo C/Fitaax Xaashir Cabdi waxaana uu sheegay in uu yahay qof loo soo dhiibay Qaraxyada.