Animation

Daawo Muuqaaladii Ugu Dambeeyay ee laga Soo qaaday Magaalada New York oo Qarax Xoogan uu Gil gilay

no responses
Sunday September 18, 2016 - 9:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada New York ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay qarax xoog leh oo geystay waxyeello kala duwan.

Qaraxaasi ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad ka badan 20-qofood, booliiska New York ayaa sheegay in dhaawacyada soo gaaray dadkaasi ay yihiin kuwo fud fudud.

Sidoo kale booliisku waxey baarayaan waxa dhaliyay qaraxan, iyagoo tilmaameen inay ka shakisanyihiin in qalab qarxa uu burburiyey daaqad dhisme ku taalla iyo gaari halkaasi yaalay.

Qaraxan ka dhacay magaalada New York ayaan wali si dhab ah loo ogeyn waxa uu yahay, waxaana sawiro Warbaahinta lagu baahiyay muujinayaan Baaldi qashinka lagu shubo in uu qaraxu kala jaray .

Dhinaca kale bam tubbo ku jiray uu ku qarxay xaafad ku taalla gobolka New Jersey, halkaasoo u dhow meel lagu waday inuu ka dhaco orod ay ka qayb qaadan lahaayeen xubno milateriga ka tirsanaan jiray oo doonayey inay lacag sadaqo ah uruuriyaan.

13-2 14-2 16 17 rijaal yurk_1 yurk_2 yurk_3 yurk_4 yurk_5