Animation

DAAWO: Muuqaal aan ka helnay Weerarkii Hotel Dayax, Wararkii ugu danbeeyay & Meydad laamiyada daadsan.

no responses
Wednesday January 25, 2017 - 7:22 under Breaking News by Kaafi
mqdefault

Hoteel Dayax oo ku yaal magaalada Muqdisho waxaa saaka ka dhacay qarax aad uxoogan iyo weerar toos ah.

Weerarkan ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari , kadibna waxaa xigay weerar toos ah oo gudaha loogu galay hoteelka.

SIDA AY WAX KU BILOWDEEN

Shabakada Wararka kismaayo24.com oo la xariirtay dad hoteelka ka agdhawa ayaa xaqiijiyay in rag watay hub fara badan ay gudaha ugaleen hoteelka, waxaana ay furayeen rasaas xoogan kadib weerarkii koobaad.

RIIX HALKAN: LIVE UDAAWO QARAXA OO DHACAYA

Ciidamo fara badan oo dowlada ah ayaa gaaray goobta, laakiin waxaa mar kale halkaas ka dhacay qarax kale oo aad uxoogan.

QARAXII LABAAD AYAA QASAARO BADAN GEYSTAY

Qaraxii labaad oo ka dhacay banaanka hoteelka ayaa geystay qasaaro aad uxoogan oo soo gaaray ciidamo iyo dad shacab ah.

Inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee dhimashada, hadana xogta aan heleyno ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 qof ay dhinteen kuwa kale oo intaas ka badana ay dhaawacmen

Waxaa jira meydad daadsan banaanka hoteelka kuwaas oo lagu dilay weerarkii danbe ee ka dhacay hoteelka Dayax

DHAAWACYADA LA QAADAYO

Dhaawacyo badan ayaa laga qaadayaa halka qaraxa uu ka dhacay ee hoteel dayax, iyadoo lasoo sheegayo in dhaawaca uu aad ubadan yahay.

Dad aan la xariirnay ayaa sheegay in dhaawaca uu ka badan yahay ilaa 20 ruux oo intooda badan ku waxyeeloobay qaraxii danbe

XAGEE DAGAALKU KA SOCDAA

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in gudaha Hoteelka ay ku dagaalamayaan ciidamo ilaalada hoteelka ah iyo ragga weerarka soo qaaday.

Lama oga hadii ay gudaha ka jiraan qasaaro nafeed ama mid dhaawac maadaama aan gudaha loo geli karin, maadaama dagaalku socdo.

Hoteel Dayax Yaa Degan?

Hoteelka Dayax waxaa uu kamid yahay hoteelada ay degan yihiin siyaasiyiin, masuuliyiin iyo xubno kale oo caan ah.

Wararka ayaa sheegaya in dadka degan ay kamid yihiin xubno wasiiro soo noqday, xildhibaanada haatan ee dowlada Soomaaliya iyo kuwa hore.

Lama so sheegin ilaa haatan siyaasi ama masuul ay waxyeelo kasoo gaartay weerarkan ka dhacay hoteelka

WARARKII UGU DANBEEYAY

Waxaa la maqlayaa rasaas xoogan, waxaa la daabulayaa dhaawacyada ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray ciidamo badan oo dowlada Soomaaliya ah.

Sidoo kale saraakiil katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa gaartay halka weerarkaas uu ka dhacay ee hoteel dayax.

Wali wax war ah lagama hayo dowlada waxaana weerarkan uu noqonayaa kii ugu xooganaa ee maalmahan dhaca.