Animation

Daawo: Musharrax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle oo Muqdisho Uga Dhawaaqay in Doorashada aysan….

one response
Tuesday November 22, 2016 - 1:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Musharaxa Madaxtinimo ee soomaaliya  Mudane Jabriil ibraahim Cabdulle oo Maanta shir jaraa’id  ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arimaha dhowr ah oo quseeya Doorashada soomaaliya.

Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in xiligaan uu jiro dib udhac ku yimid doorashada Sanadkaan 2016 oo marar badan dib udhacday, waxa uu sheegay mudane jabriil in aysan muuqaan ififaalo ku aadan in doorashadu waqtigeeda ay ku dhici karto.

Musharax jabriil ayaa xusay in Doorashooyinka dalka ay hareeyeen Musuq maasuq baahsan oo ka yimid dhanka Madaxda dowlada,

Waxa uuna sheegay in musuqaasi uu la xariiro in codadka Xildhibanada ay helaan Hogaanka dalka Qaarkood,

Mudane Jabriil waxa uu tilmaamay in aysan jirin Go’aankii Dowlada oo ahaa in dalka soomaaliya aysan jirin wax ka dhaqan gelaya dhanka dowlada inta lagu guda jiro Mudada Doorashooyinka,

Madaxwaynaha soomaaliya waxa uu dhawaan shaaciyay in aysan jiri karin Dalacsiin iyo Xil ka qaadis Waqtiga doorashooyinka Hadana ay socdaan dalac siinta Saraakiisha iyo xilka qaadista xubna Muhiim ah Sidaasi waxaa maanta sheegay Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Dhanka kale waxa uu sheegay in xiligaan Dalka Hakad laga geliyay dhanka Mashaariicda taasina waxa ay cawaaqib xuma ku tahay Madaxda dalka,

Shirka Jaraa’id ee Jabriil ayuu uga hadlay Arimaha dhaqaalaha wadanka soomaaliya waxuuna Tilmaamay in Dhaqaalaha dalka dad gaar ah ay gacanta ku dhigeen una adeeg sanayaan doorashada dalka.

Mudo Bil ah Waxa uu Tilmaamay in Bangiga Soomaaliya aana lagu shubin wax lacag ah oo ku aadan Canshuurta Dad waynaha laga soo aruuriyay taasina waxa uu tilmaamay in ay tahay Nasiib xumo.

Ugu Dambeyn Masharax Jabriil ibraahim Cabdulle oo Shirkiisu socday Mudo Hal saac ah ayaa ka hadlay abaaraha ka jira Dalka waxa uuna Ugu baaqay Caalamka iyo Umada soomaaliyeed in dadka abaaraha ay aan feeyeen in ay gurmad la gaaraan.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka Jaraa’id

 

image-0-02-05-1d6aeb2f48cad7661b1ce5783c07bf90f09be564c75fe4f2895b90f6fe2bec4e-v image-0-02-05-02e594e8176ef4bcd0fbd6cb89744b94970cfeb45a0e2d05c9d1749ff29f8d99-v image-0-02-05-7c64bae7b5f4c985f277992b1d9395921d329497c0aed80d159f6752313dcb89-v image-0-02-05-3463a8355e2598754ebe9c356f12d5ab751ef2aa4a022c8303af018c78c9482c-v image-0-02-05-bc8458ff0dfe4c7e5c0c04d4ab99f2a931f4b2304dcb47d56316d93e289a4257-v image-0-02-05-cf2bb6d5a3db21c3520d215046d8d4cb702d54a9954abaa29574099018763860-v image-0-02-05-e5edac0af713a071bae3ebc42ec1c9696a679e4548bde285a600dfdd9a11b68b-v image-0-02-05-ff71c859ee3f4a0c049c16395e83fbeede99bebb3cb456d4750c089faf1f65bc-v