Somali News Top News

Daawo: Musharax Madaxweyne Shiikh Shariif oo si aan Horay loo arag Maanta loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya hadana ah Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Musharaxa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaaalada Kismaayo si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamad Islaam Madoobe iyo Labadiisa Madaxweyne ku xigeen ee kala ah C/qaadir luga dheere iyo Maxamuud Sayid Aadan iyo Dadweyne badan oo Magaalada Kismaayo xaafadaheeda kala duwan ka yimid.

Shiikh Shariif oo horay usoo Noqday Madaxweynaha Soomaliya ayaa hadana u taagan in Markale kursigaas kusoo laabto waana Shaqsi ay aad u jecelyihiin Shacabka soomaliyeed waxaana Lagu Xasuusta wax qabad Muudqdo in ay gaadhay Dowladiisa waxaana ugu weynaa in Dowladiisa ay Dalka ka saartay KMG nimadii hadana ay tahay Dowlad Federaal ah.

Madaxweynaha Jubbaland Axmad Madoobe oo ka hadlayay Imaatinka Shiikh Shariif ee Magaalada Kismaayo Mudo Sanado ah kadib ay Farxad u tahay shacabka kismaayo waxaana uu sheegay Axmad madoobe in Shariif lagu xasuusto Wax qabad muuqday oo Dowladiisa ay gaadhay.

Shiikh shariif ayaa Mahad Balaaran u jeediyay Madaxweynaha Jubbaland iyo ku xigeenadisa Masuuliyiinta kale ee Maamulka Jubbaland qeybaha Bulshada Rayidka Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka sida diiran ugu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Maamulka Jubbaland.

Musharaxa ayaa la filaya in Halkaasi uu kulamo kula qaato Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland Ururada Bulshada Rayidka iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Jubbaland Laga soo doortay kuwaasi oo hada ku sugan Magaalada Xamar waxaana la filaya in Kismaayo ay soo gaareen iyadoona ay xusid mudantahay in Axmad Madoobe uu u yeeray Xildhibaanada Labada Aqal in Kismaayo ay soo gaaraan.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada 

fb_img_1483546454663 fb_img_1483546456150 fb_img_1483546457599 fb_img_1483546458721 fb_img_1483546461335 fb_img_1483546463132 fb_img_1483546465037 fb_img_1483546466885 fb_img_1483546468867 fb_img_1483546471230 fb_img_1483546472838 fb_img_1483546476963 fb_img_1483546479811 fb_img_1483546482249 fb_img_1483546484205 fb_img_1483546486446 fb_img_1483546489667 fb_img_1483546492643 fb_img_1483546496505 fb_img_1483546503206 fb_img_1483546513589 fb_img_1483546556302 fb_img_1483546558435 fb_img_1483546560287 fb_img_1483546562234 fb_img_1483546564020

Related posts

DEG DEG: Taliska ciidamada xoogga dalka oo war ka soo saaray weerarkii ismiidaaminta ahaay ee Janaraal kaahiye

admin

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka oo kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

admin

War hada : Dhageyso Oo Waxbadan ka Ogow Waqtiga uu Furmaayo Shirka Madasha Qaran oo la sheegay in laga soo Hormaray w……

Tifaftiraha K24