Animation

Daawo: Musharax Madaxweyne Shiikh Shariif oo Kulamo Xiriir ah la qaatay Xildhibaanada Labada Aqal ee Puntland iyo K/galbeed Maxaase kasoo baxay Kulamadaasi???

no responses
Tuesday January 24, 2017 - 2:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Musharax Madaxweyne Shiikh Shariif shiikh Axmad ayaa xalay kulan waxa uu la yeeshay Xildhibaanada Labada Aqal ee laga soo doorto Maamulka Puntland.

Sidoo kale Musharaxa waxa uu shalay kulan la qaatay Xildhibaanada Labada Aqal ee Iyagana laga soo doortay Maamulka K/galbeed Soomaliya ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Shiikh shariif ayaa Mudanayaasha Labada Aqal waxa uu kala hadlay Arimaha doorashooyinka iyo in Dalka la gaadhsiiyo Doorasho qof iyo Cod ah.

” Waxaan kawada hadalnay doorashada Madaxweyne Ee sanadkaan 2017, iyo sidii aan waddanka u gaarsiin lahayn doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Shiikh Shariif.

” Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay in wadanka uu, u baahanyahay in isbeddel dhab ah laga sameeyo, si loo badbaadiyo mustaqbalka Jiilka dambe ayuu Markale shariifka Hadalkiisa Raaciyay.

Kulanka ayaa waxa uu ahaa Mid ay isku Baranayeen Musharax Madaxweyne iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee laga soo doortay Maamul Goboleed-yada K/galbeed iyo Puntland.

Musharax Shariif iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee uu la kulmay ayaa waxa ay isku Afgarteen in si Wada jir ah looga shaqeeyo in Dalka uu yeesho Hogaan Wanaagsan si loo gaaro Tubta toosan iyo Yoolka la hiigsanaayo Afarta sano ee soo socota.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada