Animation

DAAWO: Musharax Madaxweyne Saciid Deni oo ka hadlay xaalka doorashada iyo dalka Soomaaliya

no responses
Saturday September 17, 2016 - 8:26 under Breaking News by admin
mqdefault

Mudane, Saciid Deni oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana u taagan haatan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey warbaahinta STN ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi, ee Kenya.

Wareysiga ayuu Musharax Saciid Deni uga hadlay sababaha ku keenay inuu xilka Madaxweyne isku taago iyo kaalinta uu dib usoo celinta Soomaaliya oo mid ah uu ka qaatay, iyaddoo uu ugu danbeyn sharaxay xaalka dalka uu ku sugan yahay iyo doorashada la filayo.

Saciid Deni, waa aqoonyahan iyo ganacsade aan lug ku laheyn wixii burburiyey dalka Soomaaliya, balse waxaa uu waqti iyo maal badan ku bixiyey sidii looga bixi lahaa dhibka dalka Soomaaliya ka jira.

Xukuumadaha dalka soo maray kadib burburkii waxaa uu mid ka mid ah kasoo noqday wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, isagoona xilligaasi wasaarada gaarsiiyey heer aad u sareeya.