Animation

Daawo: Musharax Madaxweyne C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo Maanta Magaalada Cadaado si diiran loogu soo Dhaweeyay

no responses
Tuesday October 4, 2016 - 4:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Musharax Madaxweyne C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo Socdaal ku Maraaya Gobolada Dhexe ayaa maanta waxa uu gaaray magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug.

C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo Shalay tagay Magaalda Dhuusa-mareeb oo Hada Xarun u ah Maamulka Ahlusna ayaa Maanta waxa uu safar dhanka dhulka ah uga soo gudbay Magaalada Cadaado.

Masuuliyiin ka tirsan Galmudug waxgarad Odayaal Haween iyo Dhalinyaro ayaa ka qeyb qaatay Soo Dhaweynta Musharax Cabdi raxmaan Cabdi shakuur oo Cadaado maanta soo gaaray.

Musharax oo Hadal kooban bixiyay ayaa uga mahad celiyay sida quruxda badan ee Cadaado loogu soo dhaweeyay wuxuuna mahad gaar ah u diray masuuliyiinta Galmudug iyo shacabka reer Cadaado.

Masuuliyiinta ka qeyb qaadatay soo dhaweynta Musharax Madaxweyne waxa kamid ah Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Xaashi carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug iyo Masuuliyiin kale.

Soo Dhaweyn Balaaran kadib waxaa Musharax loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado halkaasi oo kulamo uu kula qaatay masuuliyiinta Galmudug iyo waxgaradka Galmudug ka soo jeeda.

C/Raxmaan Cabdi Shakuur ayaa Gobolada Dhexe waxa uu ka wadaa Ol’olahiisa Doorashada wuxuuna Taageero balaaran ka Raadinaya Odayaasha dhaqanka Galmudug iyo Siyaasiyiinta Halkaasi ku sugan.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Booqashada Musharaxa ee Cadaado.

fb_img_1475595569340 fb_img_1475595572201 fb_img_1475595574457 fb_img_1475595576231 fb_img_1475595577949 fb_img_1475595581123 fb_img_1475595583063 fb_img_1475595585773 fb_img_1475595595957 fb_img_1475595599451 fb_img_1475595602615 fb_img_1475595605071 fb_img_1475595606816 fb_img_1475595608939 fb_img_1475595611146 fb_img_1475595615090 fb_img_1475595617996 fb_img_1475595620765 fb_img_1475595624129

Facebook Comments