Animation

Daawo: Musharax Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari oo Xalay Muqdisho ku yeeshay Kulan Shaki badan galiyay Xasan Shiikh Kadib Markii la…..

no responses
Tuesday January 24, 2017 - 8:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Muqdisho waxaa Xalay kulan ku yeeshay Musharax Madaxweyne Maxamad C/llahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya Maxamad Shiikh Cusmaan Jawaari.

Kulanka waxa uu ahaa Mid Is xog wareysi ah waxaana Musharax Farmaajo uu Jawaari ugu hambalyeeyay Dib usoo laabashadiisa Guddoonka Baarlamaanka Soomaliya.

Sidoo kale kulankaan waxa ay labada Masuul uga wada hadleen Xaaladda uu Dalka Maraayo waqtigaan iyo sidii loo samatabixin lahaa iyo in la helo Hogaan Dalkaan u wanaagsan.

Musharax Farmaajo ayaa Jawaari u sheegay in loo baahanyahay in Dalka uu Is bedel ka dhaco si looga gun gaaro Guulaha Dowlada ay ku talaabsaneyso Afarta Sano ee soo socta.

Ugu Dambeyn kulanka waxa uu kusoo dhamaaday Jawi dagan iyadoona Laba Masuul ay isku afgarteen qodobadii ay ka wada Hadleen.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada