Animation

Daawo: Maxaadan Ogeyn oo Maanta Garoowe uu ku soo Bandhigay Raisul Wasare Sharmaarke???

no responses
Friday September 23, 2016 - 3:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Raiisul- Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke ayaa khudbad kooban ayaa ka hadlay sidii uu ku bilowday hanaanka geedi socodka doorashooyinka dadban ee 2016-ka.

Mar uu ka hadlayay Raiisul-wasaare Cumar Cabdirashiid Arrimaha Doorashada wuxuu hoosta ka xariiqay in Dalka ay doorashadu ka dhacayso xilligii loogu talo galay , islamarkaana marka la gaaro 2020 dalka ay dhici doonto doorasho qof iyo codkii ah.

Waxaa kale oo uu ka hadlay musharaxnimadiisa doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya ee 2016,Wuxuuna sheegey in haddii Madaxweyne loo doorto inuu u horseedi doono Soomaaliya isbedel iyo horumar intaan ka wanaagsan.

Raiisul-wasaaraha oo ka hadlaayay kulan ay suaalo ku weydiinayeen Bulshada Rayidka ayaa waxa uu intaasi raaciyay in intii uusan Xafiiska imaan aanan jirin wax diyaarsan, isla markaana uu is qab qabsi ka dhex jiray Xukuumada iyo Madaxweynaha.

Mudane Cumar cabdirashiid waxa uu sharaxay qoondada haweenka oo uu sheegey in la siiyay labada aqal ee Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya tiro dhan 30%, taasi oo uu sheegey inay dhigayaan go,aanadii ka soo baxay Madasha wada tashiga Qaran ee lagu qabtay Muqdisho.

Qaar kamid ah Dadkii ka soo qeybgalay kullankaasi ayaa gaba-gabadii Ra’iisul wasaaraha Su’aalo ka weydiiyeen arrimaha Ciidamada, Musuq maasuqa, Qoontada Haweenka, soo xulista labada Aqal iyo waxyaabaha uu qaban doono hadii uu ku guulaysto Xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya.

xalwo1 xalwo2 xalwo3 xalwo4 xalwo5 xalwo6 xalwo7 xalwo8 xalwo9 xalwo10