Animation

Daawo: Midowga yurub iyo dowladda federaalka oo warbaahinta ku cadaadinaya in ay la shaqeeyaan hey’addaha ammaanka

no responses
Monday May 22, 2017 - 6:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dood Cimiyeed ku aaddan sida ay u wada shaqeyn karaan hey’adaha ammaanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed oo ay ka qeyb-galeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiil ka kala socotay hey’adaha  Xafiiska Midowga Yurub, hey’adda ALBANY iyo Machadka cilmi-baarista Soomaaliyeed ee ku adkeysiga dhibaatooynka, SDRI.

ka hor dood cilmiyeedka ayaa lagu soo bandhigay madasha Cilmi-baaris laga sameeyey gobollada Banaadir, Baay iyo Mudug, taas oo ku aadaneyd saameynta Warbaahinta iyo Hey’adaha amniga ay ku leeyihiin arrimaha Federaalka iyo isqab-qabsiga Dhulalka oo gobollada Soomaalida aad ugu badan, taas oo ay ka soo qeyb-galaashii joogay wax badan ka fahmeen kana faa’iideen.

Dhinaca kale Dood Cilmiyeedka  ayaa diiradda lagu saaray sida ugu habboon ee xoogga loo saari karo isku xirka hey’adaha amniga iyo Saxaafadda, isla markaana sare loogu qaadi lahaa xiriirka wada shaqeyn ee hey’adahaas ka dhaxeeya.

ku xigeenka Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tom Even, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeyn hey’adaha warbaahinta iyo kuwa amniga, taas oo sare u qaadeysa himilada shacabka ee dhinaca horumarka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane C/naasir Saciid Muuse, ayaa sheegay in wasaaradda amniga ay ka go’an tahay sidii ay ula shaqeyn  lahayd warbaahinta Soomaaliyeed, isla markaana ay ku howlan tahay wasaaraddu in ay sameyso xarun ay ku xiriiraan iyaga iyo warbaahinta si amniga iyo horumarka looga wada shaqeeyo.

Wasiirka Warbaahinta & Hannuuninta Dadweynaha Xukuumadda Soomaaliya, mduane  Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in wasaaraddu ay xoogga saari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga iyo aqoonta suxufiyiinta Soomaaliyeed, si ay  danaha dalkooda ugu adeeggaan isla markaana ay si joogta ah uga shaqeeyaan amniga iyo horumarinta waddankooda, wasaaradduna ay soo abuuri doonta xiriir walba oo ku aaddan wada shaqeynta hey’adaha amniga iyo warbaahinta.

ugu dambeyn xubnihii dood cilmiyeedka wadagaay ayaa soo bandhigay Qataraha la xiriirra wararka deg degga ah ee lagu qoro Social Media iyo kuwa laga soo tebiyo goobaha dagaallada oo intaba halis ku ah nafsadda suxufiyiinta iyo amnigooda, waxa ayna soo jeediyeen in arrimahaasi laga fogaado si xog ogaalnimada saxaafaddu bulshada Soomaaliyeed ay ugu kalsoonaato.

Dood Cilmiyeedka waxaa soo xiray wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya oo u mahadceyey hey’adihii soo qaban qaabiyey iyo dadkii doodda u wadaagay si huran, waxa uuna ku boggaadiyey warbaahinta in ay marnaba amniga dalka wax sharuud ah ku xiran oo ay gacan siiyaan dhammaan hey’adaha amniga Qaranka.

 

            —DHAMMAAD0—-