Animation

Daawo: Midnimadii shacabka galkacyo oo maanta bilaabatay iyo banaanbaxyo xoogan oo saakay bilowday

no responses
Thursday February 9, 2017 - 10:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Magaalada galkacyo waxaa saakay ka dhacay banaanbax xoogan oo lagu taageeraayo madaxweynaha soomaliya mudane maxamad c/llahi farmaajo.

Magaalada galkacyo labadeeda qeybood ayaa saakay waxaa ka dhacay dibad-bax xoogan iyadoona ay intaasi sii dheereyd in magaalada labadeeda dhinac saakay la isku furay.

Dadka ku nool koonfurta iyo wuqooyga magaalada galkacyo ayaa saakay iska qaaday dhagxaantii magaalada lagu kala jaray mudadii ay dagaalada socdeen taasi oo ay u muuqatay in labada shacab ay midnimo muujiyeen ayna iska ilooween wixii galkacyo ka dhacay.

Shacabka koonfurta galkacyo ku nool ayaa dabaal dagyo ku tagay qeybta wuqooyga oo puntland ay maamusho iyadoona shacabka wuqooyga galkacyo ay iyaguna yimaadeen koonfurta galkacyo oo galmudug ay maamusho.

Doorashada madaxweyne farmaajo ayaa waxaa ay muujineysa midnimada ummadda soomaliyeed oo mudo kala irdheysnaay oo qabiil qabiil iyo deegaameysi u dagaalamayay waxaana taasi kaga filan wixii maanta ay sameeyen shacabka ku nool magaalada galkacyo oo laba qeybood u kala qeybsaneyd.

Masuuliyiinta labada dhinac ee magaalada ayaa shacabka la hadlay iyagoona sheegay in shacabka ay muujiyeen midnimo iyo walaaltinimo soo jireen aheyd oo u dhaxeysay inkasto mudooyinkaan dambe ay dagaalo saameyn ku yeesheen.

Halkaan ka daawo sawirrada banaanbaxa galkacyo ka dhacay

Facebook Comments