Animation

Daawo: Maxkamdda ciidamada qalabka sida oo toogatay askari horay u dilay nin tima jare ah kadib markii uu…..

no responses
Saturday April 22, 2017 - 9:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo horay qof shacab ah u dilay.

Askari saakay dilka toogashada ah lagu fuliyay waxaa uu horay u dilay tima jare oo uu ugu tagay goobtiisa ganacsi, tima jaraha ayaa la oran jiray Maxamed Cali Cabdalla , waxaana ay kuu murmaan in isaga laga hormariyo macaamiisha kale, muran dheer kadib askariga oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Maadeey waxaa uu si bareer  ah u toogtay Allaha unaxariiste Tima jire Maxamed Cali Cabdalla.

ku xigeenka xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida Dahamme Muumin Xuseen Cabdullahi ayaa warbaahinta la hadlay kadib dilkii toogashada ahaa ee lagu fuliyay Ex-A-le- Bol. Axmed Cabdi Maadeey.

“Taariikhdu Markay Ahayd 13/03/2016 Abaaro 09:00 subaxnimo waxay Maxkamada Dar 1aad Ciidamada Qalabka Sida Ufariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiigle Ex-A/le Bol. Axmad Cabdi Maadeey 28 jir ah Ina Khadiijo Kuusoow ku dhashay Bu,aale ka tirsanaa Saldhiga Boliiska Degmada Afgooye, kaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey in  uu dilay Marxuum la oran jiray  Maxamed Cali Cabdalla , Tr. 05/01/2016 dilkaas oo ka dhacay degmadda Afgooye, waxayna ku Xukuntay Diyadii Marxuumka .

Waxaa rafcaan ka qaatay Xukunka Maxkamadda D.1’aad C.Q.Sida Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Taariikhdu markii ay ahayd 30/07/2016 waxay Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida U fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiigle Ex-A/le Bol. Axmad Cabdi Maadeeywaxayna ku Xukuntay Dil Toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum Maxamad Cali Cabdalla.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 22/04/2017 waxaa lagu fuliyay Xukunkii dilka ahaa.”

WABILLAAHI TOW-FIIQ

Xafiis wareedka maxkamdda ciidamada qalabka sida