Somali News

Daawo: Maxay ka wada hadleen c/wali gaas iyo Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug??

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 01 May 2017 magaalada Gaalkacayo kulan muhiima kula yeeshay maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, Isimada, nabadoonada iyo waxgaradka gobolkaasi.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiinka tirsan golaha wasiirada Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland, Saraakiisha ciidamadda gobolka Mudug, nabadoonada iyo waxgaradka gobolkaasi, urrurada haweenka iyo kuwa dhalinyarada.

Madxweynaha Puntland oo ka hadlay kulan ka ayaa sheegay waajibaadka koowaad ee saran dawladda uu yahay inay ilaaliso oo difaacdo qofka muwaadinka ah nabadiisa, maalkiisa, naftiisa iyo sharaftiisa, waxaana uu xaqiiyey madaxweynuhu in lakala leeyahay masuuliyadaasi oo ay marka hore leeyihiin gobolka, degmada iyo laamaha amaanka, isla markaana wixii ka taf dheeraada ay la wadaaqaan dawladda dhexe.

‘’ Dabcan masuuliyadaha waa lakala leeyahay dadka shacabka ah meelkastay ku noolyihiin cida sheegaynaysa inay dawladd u tahay ayaa amnigooda masuul ka ah, masuuliyada koowaad ee dawladdu leedahay waa in la difaaco qofka shacabka ah nabad-gelyadisa, naftiisa, sharaftiisa iyo maalkiisa in dawladu difaacdaa la rabaa, waana loo kala dhawyahay masuuliyadaasi dabcan cida ugu dhowi waa cida markaas maamulka haysa kasoo bilaabata degmo ku xigta gobol kabacdina dawladda dhexe, dabcan waxaa la rabaa maamulka degmada, gobolka iyo laamaha kale ee ka jiraa waa inay shaqada loo igmaday ee awoodooda ah ay fuliyaan, hadii ay ka taf dheeraato hawli waa inay ula yimaadaan dawladda dhexe, dawladduna markaa ay ku kaabto wixii ay ku kaabi karto’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland

‘’ Maxaa ka saran amniga oo masuuliyada dadka shacabka ah? Waxaa ka saaran 1) dadku marka ay xaaladan oo kale ku jiraan oo degaan ahaan meshaad ku talaan, colaada jirata, dhibka ka jira ee aad la wadaagtaan Soomaaliya oo dhan waxaa la rabaa dadku inay la filyihiin wacyiga ay ku jiraan, xaalada aad ku sugan tihiin maadaama ay xaalad amni daro tahay waxaa laydin ka rabaa inaad ahataan dad ku baraarugsan amniga’’ ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in dawladda Puntland iyo shacab keedu ay diyaar u yihiin nabad, isla markaana walaalahooda la deriska ah ay doonayaan inay nabad kula nooladaan, waxaan uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay nabad hadii ay wax kale doonayaana ay iyana nabad diyaar u tahay.

‘’ waxaan rabnaa angu nabad iyo nolol, nabad ayaan rabnaa inaan kula noolaano walaalaheen, fariinta aan dirayno waxa weeye oo walaalahayo u sheegayno nabad baan rabnaa, deriswanaag baan diyaar u nahay iyo horumarka aan ka wada shaqayno, waxaan rabaa inaan ku daro weliba, haday nabad rabaan nabad baan rabnaa, hadaysan nabad rabina, nabad baan rabnaa’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland.

Maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, isimada, nabadoonada iyo waxgaradka kulanka ka hadlay ayaa iyana dhankooda sheegay in ay dawladda ugu mahad celinayaan mashaariicaha horumarineed ee guud ahaan gobolada Puntland ay Dawladdu ka wado gaar ahaana gobolka Mudug xaruntiisa degmada Gaalkacayo, waxayna sheegeen inay dawladda ku garab istaagi doonaan mashaaricaha horumarineed ee gobolka ka socda.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa tibaaxay in dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacayo ay ku baxayso kharash ka badan ‘’50 million’’, waxaana uu ugu baaqay shacabka magaalada Gaalkacayo in lagala shaqeeyo shirkada CCECC hirgelinta iyo dardargelinta dhismaha Garoonka.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle SWC uga mahad celiyey raxmadiisa uu u shubay ummadiisa, waxaaana uu xaqiijiyey in dawladda Puntland ay diyaar u tahay garab istaaga dadka dhibaataysan caawintooda, xoolayntooda iyo wax qabadkoodaba.

–DHAMMAAD—
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Related posts

Itoobiya Oo Map-Ka Africa Ka Saartay Soomaaliya

admin

XOG: Xagee Marayaa Loolanka Itoobiya iyo Kenya ee ku aadan shakhsiga noqonaya Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland….

admin

TOP NEWS: Dhageyso Amisom oo ka jawaabtay Dalab ay horay ugu soo gudbisay Dowlada Federaalka

Tifaftiraha K24