Animation

Daawo: Maxaadan Ogeyn oo Maanta Si Wada Jir ah Magaalada Cadaado uga Dhagax dhigeen M/weyne ku Xigeenka Galmudug, Taliyaha Ciidanka Asuulbta Soomaliyeed iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka????

2 responses
Sunday November 6, 2016 - 11:22 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xaruntan oo noqondoonta meel ay ku shaqeeyaan maxkamadaha iyo xeer ilaalinta dadka maxkamaduhu xukumaana lagu hayndoono ayaa laga hirgalinayaa galbeedka magaalada Cadaado, waxaana maanta si wada jir ah u dhagax dhigay madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamuud Jaamac iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.

Gudoomiyaha degmada Cadaado C/llahi C/raxmaan Tootoole ayaa sheegay in maamulka degmadu ku deeqay dhulkan oo ah hakiilo KM oo isku weer ah.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in meeshan xabsi kaliya aysan noqon doonin balse xafiisyo xeer ilaalintu leedahay laga hirgalindoono, si ay u noqoto meel adeegyo dhamaystiran leh.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in hirgalinta dhismahan ka dib ay noqon doonto meel maxaabiistu cadaalad iyo daryeel ku helaan.

“Xabsiyada Soomaaliya waxaan doonaynayaa inaysan noqon baqaaro dadka lagu ciqaabo, balse meeshan waxaan u diyaarinaynaa in maxaabiistu daryeel iyo waxbarashaba ka helaan oo warshado yar yar ayaa laga hirgalinayaa” ayuu yiri Bashiir Goobbe.

Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in tani ay tahay waxqabad muuqdo oo iskaashi dhinacyo badan ah ku hirgalay.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

caado3-681x383 cado1-747x420 cado2-300x169 cado4-768x432 cado6-768x432