Animation

Daawo: Maxaadan Ogeyn oo Maanta Laga Sameeyay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug??? War ayaan idinkaga heynaa

no responses
Thursday October 20, 2016 - 3:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Qoysas barakacayaal ah oo ku nool Magaalada Cadaado ayaa Maanta loo qaybiyay Bacaha Roobka,  iyadoo ay komeereen mudaneyaal ka tirsan aqalka sare iyo Gudoomiyaha degmada.

Qoysaskan oo gaaraya ilaa 186-Qoys ayaa isugu jira kuwa horay u daganaa Cadaado iyo qaar maalmo ka hor ka soo barakacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa deeqdan Bacaha ah Maanta gaarsiiyay Abshir Maxamed Axmed Bukhaari, oo ka tirsan mudanayaasha aqalka sare ee dhawaan la doortay.

Gudoomiyaha Degmada Cadaado C/llahi C/raxmaan Tootoole, oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii maanta barakacayaashan soo booqatay ayaa ku baaqay in la caawiyo dadkan oo qaarkood ay duruuf adag ku suganyihiin.

Abshir Maxamed Axmed ,oo ah mudanihii ugu horeeyay ee Aqalka sare ee Soomaaliya yeelato ayaa sheegay in uu xoogga saari doono wax u qabashada dadka danta yar.

Waxa uu xusay in Iskuul ay Carruurta barakacayaasha ah wax ku bartaan uu dhisi doono, Macalimiina uu isagu keenayo, sidoo kalena dugsi Qur’aanka Kaamkan la baraalin doono.

Dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay ayaa magaalada Cadaado waxaa soo gaaray in ka badan 200 oo Qoys oo ka soo barakacay colaadda ku soo laalaabatay Magaalada Gaalkacyo..

t2 t3 t4 t5 t8 t9 t10 t12 t13 t14 t15 t16 t17 t18 t19 t20 t21