Animation

Daawo: Maxaadan ogeyn oo maanta ka dhacay shan dagmo oo gobolka banaadir ka tirsan?

no responses
Saturday May 27, 2017 - 12:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Munaasabaddo xil wareejin ah ayaa maanta waxa ay ka dhaceen qaar kamid ah dagmooyinka gobolka banaadir.

Guddoomiyeyaasha shan dagmo oo gobolka banaadir ka tirsan ayaa maanta xilka ku wareejiyay guddoomiyeyaasha cusub ee dhawaan lasoo magacaabay.

Dagmooyinka Dharkinleey, Wabari, Xamar weyne. Shangaani iyo Warta Nabada ayaa maanta lagu qabtay munaasabaddo xil wareejin ah .

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir ayaa goob joog ka ahaay xil wareejinta iyadoona xubnaha cusub ee xilalka la wareegay kula dar daarmay in howsha ay halkeeda kasii wadaan ayna dar dar galin galiyaan horumarka dagmooyinka loo magacaabay.

Gudoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa intooda badan xilka la wareegay.

Dhawaan ayay aheyd Markii Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya 15 Gudoomiye u magacowday degmooyinka gobolka Banaadir.