Animation

Daawo: Maxaadan Ogeyn oo Maanta Cadaado ay uga Shireen Ganacsatada iyo Waxgaradka Deegaanada Galmudug???

no responses
Sunday November 6, 2016 - 4:15 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Kulankan ay maanta magaalada Cadaado ku yeesheen ganacsatada iyo waxgaradka deegaanada Galmudug ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dadajin lahaa dhismaha dekadda Hobyo ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Xubno ka tirsan gudiga ganacsatada Galmudug oo dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ku hawlanaa qiimaynta iyo abaabulka hawlaha Dekadda ayaa kulankaasi ku soo bandhigay macluumaad ay arrintaasi ka soo aruuriyeen.

C/raxmaan Axmed Cadaawe oo ah  gudoomiyaha gudigaas ayaa sheegay in dhawaan ay Dekadda ku soo xiran doonaan Maraakiib shixnado kala duwan wada, loogana baahan yahay ganacsatada inay arrintaasi dhiiri galiyaan.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Sidoo kale ganacsatada kulanka ka soo qaybgalay ayaa sheegay in Dekadda ay hadda sii shaqaynayso inta dhisme balaaran lagu sameeynayo, maadaama shactar la keenay todobaadkii hore.

Maxamed Nuur Diini wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha dawlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in Dekadda Hobyo ay ahmiyad wayn u leedahay Galmudug, waxaana uu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan dadaalada socda.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada 

hobyo1-747x420 hobyo2 hobyo4 hobyo5

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.