Animation

Daawo: Maxaadan Ogeyn oo kusoo Kordhay Xaaladda Caafimad ee Abwaan Sangub Xili maanta ay Booqdeen Wafdi uu Hogaamniaayo…….

no responses
Saturday October 8, 2016 - 12:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Isbitaalka Erdogan Ee Magaalada Muqdisho uu ku Xanuunsanayo Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise “Sangub”ayaa maanta waxaa Isbitaalka Erdogan Ee Ex-digfer ku booqday Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale,waxaana weheliyay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/rashiid Xidig,Kuxigeenada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Afhayeenka Golaha Abwaanada Abwaan Cismaan C.llaahi Guure.

Afhayeenka Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ahna Agaasimaha Shabakadda Wararka Kulmiye Abwaan Cismaan C/llaahi Guure oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in wax laga Xumaado ay tahay in Abwaan Sangub oo nool la yiraado wuu dhintay,waxaana uu Ummadda Soomaaliyeed ka Codsaday in ay u duceeyaan Abwaanada kala ah Sangub iyo Hadraawi iyo Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame,kuwaas oo Xanuunsanaya,Maadaama ay yihiin Qaamuuskii Ummadda Soomaaliyeed.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukumadda  Soomaaliya C/rashiid Xidig ayaa sheegay in Dowladdu ay ku dadaaleyso sidii ay wax uga qaban laheyd Xaaladda Caafimaad ee Abwaan Sangub.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inuu rajeynayo in Alle uu Caafimaad Deg Deg ah siiyo Abwaan Sangub,iyadoo Mas’uuliyiinta Maanta Isbitaalka ku Booqday Abwaan Sangub ay gaarsiiyeen Lacag ay ugu talo galeen Abwaanka Xanuunsan.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

img_7612-1024x683 img_7613-1024x683 img_7615-1024x683 img_7618-1024x683 img_7624-1024x683 img_7630-1024x683 img_7633-1024x683 img_7639-1024x683 img_7645-1024x683 img_7646-1024x683