Somali News Top News

Daawo: Maxaadan ogeyn oo ka soo baxay kulankii madaxtooyada cadaado ku dhexmaray wafdi UN-ka ka socda iyo….

Magaalada cadaado waxaa maanta gaaray wafdi heer sare ah oo ka socda jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa.

Wafdigaan waxaa hogaaminaayay Madaxa OCHA Somalia Justin Brady iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha magaalada cadaado.

Soo dhaweyn kadib wafdiga waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada galmudug ee magaalada cadaado halkaasi oo ay kulamo kula qaateen masuuliyiin ka tirsan maamulka galmudug.

Wafdiga waxay kaloo kulan la qaateen guddiga gurmadka abaaraha ee galmudug waxaana ay u kuurgalayan xaaladda abaaraha deegaanada galmudug.

Wafdiga waxa ay si dhab ah ugu kuur gali doonan deegaanada ay saameynta weyn ku yeelatay abaaraha waxaana Justin Brady uu sheegay in xaaladda ay tahay mid halis ah oo macluul isku sii badaleysa.

Deegaanada galmudug waxa ay kamid yihiin meelo sida ba’an ay u saameysay abaarta iyadoona dad iyo duunyo ay abaarta u dhinteen.

Related posts

Top News: Maxaadan Ogeyn Oo Kenya Laga Soo Sheegayaa (War Ayaan Idinkaga Wadnaa)

Tifaftiraha K24

RW- Hore Saacid Oo Arimaha Soomaaliya & Puntland Ka Hadlay

Tifaftiraha K24

War Cusub: Dowlada Sudan oo Balan qaad Muhiim ah u Sameeysay Ardada Soomaliyed ee jecel Waxbarashada ( Tollow Maxay u Sameyneysa )+Sawirro

Tifaftiraha K24