Animation

Daawo: Maxaadan ogeyn oo ka soo baxay kulan xasaasi ah oo xalay dhexmaray madaxweyne farmaajo iyo musharixiintii codadka siisay?

no responses
Friday February 10, 2017 - 8:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha soomaliya maxamad c/llahi farmaajo ayaa habeenkii xalay waxa uu casho sharaf u sameeyay musharixiintii isbedel doonka aheyd ee ka qeyb galay doorashada madaxweynaha.

Kulanka waxa uu ka dhacay hotelka uu daganyahay madaxweynaha soomaliya mudane farmaajo waxaana uu ahaa kulan is wareysi ah .

Musharixiinta ayaa madaxweynaha waxa ay ugu hambalyeeyeen guushii uu gaaray iyagoona alle uga baryay in uu la garab galo xilkaan culus ee loo igmaday shacabkana uu dantooda ugu adeego.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa musharixiinta uga mahad celiyay sida ay ugu garab siiyeen in uu helo codad aad u badan wareegii labaad ee doorashada taasi oo ka dhigtay in uu ka guuleesto musharax xasan shiikh oo tartan adag kula jiray farmaajo.

Musharixiintu waxa ay madaxweynaha ka dalbadeen in uu fuliyo balankii ay horay ula galeen oo ahaay in xilal wasiir iyo xilal kale uu siiyo musharixiinta qaarkood.

Qaar ka mid ah Musharaxiintii Madaxweynaha ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa durba bilaabay inay galaan-gal u galaan xilka Ra’iisul Wasaaraha oo lagu wado in Madaxweynuhu soo magacaabo marka la caleemo saaro.

Hotelada muqdisho waxaa tan iyo xalay ka socday kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanaya odayaasha beelaha hawiye kuwaasi oo xusul duub ugu jira in beel kasto oo hawiye kamid ah ay hesho xilka ra’isul wasaaraha.

Hotelka Pan Afric waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Beesha H/gidir oo xusul duub ugu jirta in loo magacaabo xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Beeshu waxa ay dooneysa in xilkaan ay iyadu hesho sida kulanka lagu lafa guray

Madaxweyne farmaajo ayaa laga sugaya in 30-ka maalmood ee soo aadan uu soo magacaabo ra’isul wasaaraha xukuumadda soomalia.

Halkaan ka daawo sawirrada