Animation

Daawo: Maxaadan ogeyn oo ka soo baxay kulan xasaasi ah oo Villa soomaliya ku dhexmaray Madaxweyne farmaajo, Xasan shiikh iyo jawaari??

no responses
Wednesday February 15, 2017 - 3:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha jamhuuriyada soomaliya mudane maxamad c/llahi farmaajo ayaa maanta markale waxa uu kulan kula qaatay madaxtooyada villa soomaliya madaxweynihii hore ee dowlada federaalka xasan shiikh maxamuud.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaay guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka soomaliya maxamad shiikh cusmaan jawaari .

Madaxweyne farmaajo iyo xasan shiikh waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah xaaladda iyo marxalada uu dalka maraayo iyos idii looga gudbi lahaay .

Sidoo kale labada masuul waxa ay isla meel dhigeen sidii dowlada cusub ay fursadaha cusub uga faaiideysan laheyd.

Kulanka waxa uu ka dhacay xafiiska madaxweynaha soomaliya oo hada si KMG ah uu ugu sii suganyahay xasan shiikh madaxweynihii hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka siiyey madaxweynaha dalka Farmaajo howlaha xafiiska madaxweynaha uu dalka u soo qabtay iyo dedaalladii lagu guuleystay  afartii sanno ee u dambeysay, waxa  uu intaa raaciyey in dowladda cusub ay heysato fursad dalka ay ku nabaddeyn karto, kuna gaarsiin karto hiigsiga 2021-ka si dimoqoraadiyad leh, kulankaasina waxa uu ka dhacay xafiiska madaxweynaha.

Halkaan ka daawo sawirrada