Animation

Daawo: Maxaadan Ogeyn oo ka soo baxay Kulan Xasaasi ah oo Xalay Madaxtooyada Cadaado ku dhexmaray Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdi Xamar uga Tagay Joojinta Colaada Galkacyo???

no responses
Thursday November 10, 2016 - 6:52 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey ayaa Xalay Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado kula kulmay Wafdi ka socda Golaha Abwaanada Soomaaliyeed oo ku baxay Joojinta Colaadda Magaalada Gaalkacyo.

Guddiga Isugu hira Abwaaniinta iyo Aqoonyahanada ayaa waxa ay Madaxda Galmudug kala Hadleen Joojinta Colaada Dhiiga badan ku daatay ee Magaalada Galkacyo iyo in Wada Hadal lagu dhameeyo Khilaafka.

Guddoomiye ku Xigeenka Golaha Abwaanada Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed Weheliye ayaa sheegay in Madaxda Galmudug ay ka Aqbaleen Waan waanta Nabadeed ay ka dhex wadaan Labada Maamul iyo sidii loo Damnin lahaa Colaada Galkacyo.

Kulanka dhexmaray Madaxda Galmudug iyo Wafdiga Xamar ka tagay ayaa la sheegay in ay Isku afgarteen Ilaa 7 Qodob oo ay ugu Muhiimsantahay Xabad joojin Rasmi ah oo Galkacyo ka dhaqan gashaa.

Wafdigaan Isugu jira Abwaaniinta iyo Aqoonyahanada ayaa La filaya in Garoowe ay tagaan si Madaxda Puntland ay kala hadlaan Joojinta Dagaalka Galkacyo.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Kulanka

1-2-1 2-3 3-3 4-1