Animation

Daawo: Maxaadan ogeyn oo ka soo baxay kulan galkacyo ku dhexmaray wasiiro ka tirsan galmudug iyo puntland

no responses
Tuesday June 13, 2017 - 10:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan kulan magaalada galkacyo ku dhexmaray wasiiro ka tirsan maamulada galmudug iyo puntland.

Kulankaan ayaa waxa uu gogol xaar yahay wada hadal toos ah oo lagu wado in ay yeeshaan mas’uuliyiin labada maamul ka tirsan.

Kulankaan oo ka dhacay dhinaca Galmudug ayaa masuuliyiinta labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa loona xoojin lahaa amniga iyo nabad galyada gobolka Mudug.

Wasiirka deegaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo wafdiga Puntland hogaaminaya ayaa ugu baaqay dadka reer Gaalkacyo inay dhammaantood u istaagaan sidii looga shaqayn lahaa nabada, walaaltinimada iyo isdhexgalka.

Wasiirka arrimaha gudaha Galmudg Maxamed Xayir Nuur ayaa sheegay in la isku afgartay qodobada looga hadlidoona shirka berito ka furmidoona Gaalkacyo.

Facebook Comments