Animation

Daawo: Maxaadan ogeyn oo ay ka wada hadleen madaxweyne farmaajo iyo madaxweyne geelle??

no responses
Wednesday May 24, 2017 - 4:15 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha jamhuuriyadda soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo oo shalay gaaray dalka jabuuti ayaa waxaa uu kulan la qaatay dhiggiisa dalka jabuuti ismacil cumar geelle.

Labada madaxweyne ayaa waxa ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiiin xiriirka walaaltinimo , iskaashi labada dowladood iyo dagaalka shabaab lagula jiro .

Kulanka labada mas’uul marka uu dhamaaday ayey warbaahinta si wadajir ah ula hadleen waxaana madaxweyne farmaajo uu dhiggiisa jabuuti uga mahad celiyay sida walaaltinimada leh ee dowladda iyo shacabka jabuuti u garab taaganyihiin walaaladood soomalia.

“Muddooyinkii aan dagaalka sokeeye ku jirnay marnaba nagama aysan seexan walaalaha Jabuuti, shacab iyo xukuumadba. Abaalkaas marnaba ma hilmaami doonno.” Ayuu yiri madaxweyne farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb geli doona furitaanka deked cusub oo dhowaan xariga laga jari doono, sidoo kale waxaa uu khudbad ka jeedin doonaa Xarunta Baarlamaanka Jabuuti.

Dhankiisa madaxweynaha jabuuti ismaacil cumar geelle ayaa sheegay in jabuuti ay markasto garab taagantahay soomalia maadama ay yihiin laba dal oo walaalo ah.

Facebook Comments