Animation

Daawo: Maxaad kala Socotaa Socdaalka Madaxweyne Aaxmad Madoobe uu ku tagay Itoobiya Muxuuse kala soo Kulmay????

no responses
Tuesday November 22, 2016 - 9:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee  Jubbaland xili maalmahii lasoo dhafay uu safar shaqo ugu maqnaa qaar kamid ah dalalka dibada.

Madaxweynaha waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowlada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynahu waxaa maalmahii lasoo dhafay uu Safar shaqo ku joogay Magaalada Addis Ababa halkaas oo uu kula kulmay Madaxda Dalka Itoobiya oo uu kala hadlayay iskaashiga labada dhinaca ee dhinaca nabadgalyada iyo hawlaha doorashooyinka ee dalka kasocda sidii Dowlada Itoobiya ay uga gacan siin lahayd Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya hawlaha nabadgalyada maadama meelo badan oo dalka kamid ah ay joogaan Ciidamada Itoobiya oo qayb ka ah hawlgalka AMISOM.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu soo maray Magaalada Nairobi halkaas oo ay isku arkeen Madaxda dalkaas iyo qaar kamid ah Diblumaasiyiinta Shisheeye ee fadhigoodu yahay Nairobi

Axmad Madoobe ayaa Waxa uu Saameyn xoogan ku dhex leeyahay Siyaasada Dalka waana Hogaamiye ay Cadahay Siyaasaddiisa.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

1-4 3-4 4-4 15134657_768384603302443_8554662550516672178_n