Daawo: Ex Wasiir Juxa Oo Ku sugan Madaxtooyada Kismaayo Muxuuse halkaasi u jooga?

0

Madaxweynaha jubbaland axmad maxamad islaam axmad madoobe ayaa qado sharaf ugu sameeyay madaxtooyada jubbaland ee kismaayo wasiirkii hore ee wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka cabdi faarax juxa oo dhawaan uu xilka ka qaaday Ra’isul wasaare xasan cali kheyre.

Qada sharafta waxaa madaxweynaha ku wehlinaayay, Madaxweyne ku xigeenka 1-aad Maxamuud Sayid iyo Wasiirka Madaxtooyada Axmed Xasan (Ahmed 60) iyo Wasiirka Amiga Jubbaland Cabdirashiid.

Ex wasiir juxa ayaa madaxweyne axmad madoobe uga mahad celiyay soo dhaweynta loogu sameeyay madaxtooyada kismaayo.