Animation

Daawo: Maxaad ka Ogtahay Sababta ay Kismaayo u tageen General Gaafow iyo Maxamed Sheekh Xasan Xaamud???Maxaase ka so Bxaay Kulanka ay Axmad Madoobe la qaateen?

no responses
Wednesday November 23, 2016 - 6:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddiga amniga doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya, ayaa socdaal ay ugu kuurgalayeen xaaladda amni ee magaalada Kismaayo oo ka mid ah goobaha doorashooyinka ay ka socdaan, ayaa ku tegay magaaladaasi.

Guddiga amniga doorashooyinka Qaran oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddigaasi ahna taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha hey’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Jeneraal Cadullaahi Maxamuud Gaafoow, waxayna Kismaayo kula kulmeen Madaxweynaha dowlad gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo looga hadlay kulankaasi xaaladaha amni ee goobaha doorashooyinka Kismaayo, waxayna war-bixin ka dhageystay xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer dowlad gobolleed ee Jubbaland iyo Saraakiisha amniga.

Guddoomiyaha Guddiga amniga doorashooyinka Qaran S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyey dowlad gobolleedka Jubbaland dedaalka dhanka amniga ee ay sameeyeen, gaar ahaan goobaha doorashooyinka, waxa uu tilmaamay in Guddiga amniga doorashooyin Soomaaliya uu diyaar u yahay wax walba oo lagu taageerayo amniga xilliga doorashooyinka aqalka Hoose ee Barlamaanka Soomaaliya.

Guddiga, ayaa booqday qaar ka mid ah meelihii ay doorashooyinka Xildhibaannada ka dhaceen iyo meelaha weli harsan, waxayna ku booriyeen shacabka Jubbaland in ay laammaha amniga ku gacan siiyaan ka hortaggidda khatarta amni darro ee cadowga.

amni amni1 amni2 amni3 amni4 amni5