Animation

Daawo: Maxaa xalay ka dhacay hotelka jaziira iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu diiday in Amisom ay Ammaankiisa ilaaliso

no responses
Thursday February 9, 2017 - 8:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Madaxweynaha jamhuuriyada soomaliya maxamad c/llahi farmaajo oo xalay lagu doortay magaalada muqdisho ayaa waxaa hada uu ku suganyahay hotelka jaziira oo la dajiyay ka hor inta aanan xilka loo dhaarin.

Madaxweyne farmaajo markii doorashada ay dhamaatay waxaa ammaankiisa la waregay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee soomaliya ee kumaandoosta iyadoona taasi ay ka dhigantahay in farmaajo uu ka doorbiday shisheeyaha in ay isagu ilaalo u noqdaan isagoo heysta ciidamo qaran oo awood u leh ilaalinta ammaankiisa.

Markii madaxweynaha loo soo galbiyay hotel jaziira waxaa hareeraha wadooyinka taagnaay taageerayaal badan oo calamo u ruxaayay madaxweyne farmaajo iyagoona ku qeylo dhaaminayay guul farmaajo guul soomaliya.

Hotelka gudahiisa waxaa ku sii sugnaay boqolaal ruux oo sugaayay inta uu madaxweynaha ka imaan doono hotelka waxaana marka uu soo gaaray hotelka mar qura is qabsaday sawaxan iyo qeylo dhaan xoogan oo madaxweynaha lagu taageeraayay waxaana madaxweyne farmaajo uu sharaf u muujiyay dadkii isugu soo baxay hotelka oo uu mid mid u gacan qaaday intii uu awoodi karay markaas.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Madaxweynaha waxa hotelkiisa uu ku qaabilay saraakiil masuuliyiin iyo weliba dad weyn fara badan waxaana laga dareemayay hotelka mashquul aad u badan .

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho ayaa kamid ahaay dadkii madaxweyne farmaajo uu kula kulmay hotelka waxaana saacadu xiligaas ay aheyd saqdii dhexe ee xalay.

Hadaba waxaa la sugaya wax qabadka madaxweyne farmaajo ee boqolka maalmood ee ugu horeysay xogaamintiisa iyadoona dadku ay sugayan khudbada ugu horeyso ee madaxweynaha uu shacabka kula hadli doono.

Halkaan ka daawo sawirrada soo dhaweynta madaxweyne farmaajo

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.