Animation

Daawo: Maxaa ka soo baxay kulankii xalay xildhibaanada baarlamaanka ay su’aallaha ku weydiinayeen R/wasaare kheyre?

no responses
Thursday April 27, 2017 - 9:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Kulan su’aallo lagu weydiinaayay ra’isul wasaare xasan cali kheyre ayaa waxa uu ka dhacay xarunta villa hargeysa ee magaalada muqdishi.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka soomalia ayaa su’aallo ku saabsan siyaasadda qaran ee dhismaha ciidanka qalabka sida waxa ay weydiiyeen ra’isul wasaare kheyre oo uu wehlinaayay wasiirka gaashaandhigga c/rashiid.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Guddoonka iyo Gudiyada Baarlamaanka u sharaxay qorshaha ku aadan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Mudane kheyre wuxuu baarlamaanka soomalia u sheegay in qorshaha ammaanka dalka aanu saameyn doonin ciidamada qalabka sida isagoo intaa raaciyay in dowladda ay dedaal xoogan ku bixineyso tayeyna iyo dhismaha ciidan xoogan oo soomalia ay yeelato.

Guddiyada amniga iyo difaaca ayuu si faah faahsan ugu sheegay sida loo dhisayo ciidamada, hannaanka loo wajahayo sugista amni iyo arrimo kale oo isla ammaanka un ku saabsan.

Guddiga difaaca ee baarlamaanka soomalia ayaa dhawaan mooshin ka keenay qorshaha qaran ee dhismaha ciidanka qalabka sida iyadoona ay sheegeen in qorshahaan la doonaayo in soomalia aysan yeelan ciidamo xoogan oo tiro ahaan iyo tayo ahaanba dhisan balse ra’isul wasaaraha ayaa xalay si faah faahsan u sharaxay qorsha ay dowladda ka damacsantahay amniga qaranka.

Facebook Comments