Animation

Daawo: Maxaa ka soo baxay kulan garoonka diyaaraddaha ku dhexmaray farmaajo iyo madaxda maamul goboleed-yada kahor inta aysan dhoofin??

no responses
Tuesday May 9, 2017 - 12:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa saakay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho isagoo ku sii jeeda Dalka Britain, haakaas oo uu Madaxweynuhu ku shir gudoomin doono shir Caalami oo laaga hadlayo Arimaha Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha waxaa ku wehliyey R/wasaare ku-xigeenka Dalka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Madaxweynaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirkaas ay Dowladdu la hortagi doonto Qorshoyaal ku saleysan Baahida Soomaaliya Xiligan ay qabto.

Ajandayaasha Shirka looga London looga hadli doono ayaa kala ah Arrimaha Amaniga ,Kobcinta dhaqaalaha,Siyaasada ,Dib u eegista Dastuurka iyo Wadashaqaynta Beesha Caalamka iyo Dowladda 4-Sanao ee soo socota.

Shirka  ayaa dhici doona maalmaha Arbacada iyo Khamissta oo ku beegan 10-ka ilaa 11-ka bishan, waxaana haatan London ka socda shirar la xiriira qabanqaabada shirka.