Animation

Daawo: Masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo ka qeyb Galay Munaasabad Cadaado ka dhacday oo Xariga looga jraayay Xafiiska Socdaalka ee Galmudug

2 responses
Friday November 4, 2016 - 12:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxwayne ku Xigeenka Maamul-goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Taliyaha hey’adda socdaalka G/sare Maxamed Aden Jimcaale Koofi ayaa Maanta xariga ka jaray Xafiiska Socdaalka ee Galmudug.

Xafiiskaasi oo laga Maamuli doono hawlaha Socdaalka iyo Baasaboor bixinta ee Deegaanada Galmudug oo laga hirgaliyay Cadaado ayaa waxaa maanta xariga si wada jir ah uga jiray Madaxwayne ku xigeenka Maamul-goboleedka Galmudug iyo Taliyaha hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Dawlada Federaalka Soomaaliya, iyadoo munaasabadda xarig jarka aya ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Taliyaha hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Dawlad Federaalka Soomaaliya G/sare Maxamed Aaden Jimcaale Koofi ayaa sheegay in Xafiiskan lagala socon doona Dadka isticmaalaya Garoomada diyaradha Galmudug iyo kuwa Baasaboorad goosanaya.

Wasiirka Amniga Maamul-goboleedka Galmudug Cusmaan Ciise Nuur ayaa shegay in furitanka Xafiiskan uu qeyb weyn ka qaadan karo hawlaha amni ee Galmudug iyo waliba u fududeynta shacabka helidda Baasaboorka Soomaaliyeed.

Madaxwayne ku xigeenka Maamul-goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in dhinacooda ay sameyn doonan hanaan isku xiraya hawlaha shaqo ee Airport-da ku yaal Galmudug.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

cad-640x361

cad1 cad2 cad3 cad4 cad5 cad6