Animation

Daawo: markii laba rakco oo sunno ah tukaday ayey toogteen waxayna ku eedeeyen in uu….

no responses
Tuesday February 14, 2017 - 7:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka ahlusuna ayaa maanta magaalada guriceel waxa ay xukun dil ah ugu fulisay nin lagu eedeeyay in uu horay u dilay sargaal ka tirsanaay ahlusunna.

Ninkaan maanta la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed C/laahi Faaax waxaana lagu soo eedeyay in uu dilay allaha ha u naxariiste sargaal lagu magacaabi jiray  Feysal Goobe oo maamulka ahlusuna ka tirsnaay.

Maxamed C/laahi Faarax ayaa Labo rakac ku Tukuday Sali yar oo goobta lagu soo diyaariyay, intaasi kadib waxaa dil Toogasho ah ku fuliyay Ciidamo ka tirsan Maamulka Ahlu sunna oo xilli hore goobta lagu xaadiriyay.

Ahlusunna ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay toogatay dad lagu eedeynaayo in dilal ay ka geesteen deegaanada ay maamusho ee golada dhexe.