Somali News

Daawo: Markab weyn oo sida shixnad gargaar ah oo kusoo xirtay dekedda weyn ee muqdisho

Dekedda weyn ee magaalada muqdisho waxaa kusoo xirtay markab weyn oo sida shixnad gargaar ah kaasi oo ay dhawaan soo dirtay dowladda turkiga.

Markabkaan ayaa waxa uu sida shixnado kala duwan oo gargaar ah waxaana loogu talo galay shacabka soomaliyeed.

Munaasabad kooban oo ka dhacday dekedda weyn ee muqdisho ayaa dowladda soomalia waxaa lagu wareejiyay markabkaan sida shixnada gargaarka ah.

Deeqdaan oo gaareysa 13 kun oo tan ah ayaa waxaa lasoo marsiiyay hey’adda bisha cas ee dalka turkiga.

Safiirka dowladda Turkiga u Fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar oo ka hadlaayay munaasbaadda deeqdaan dowladda loogu wareejinaayay ayaa sheegay in turkiga markasto uu garab taaganyahay dowladda iyo shacabka soomaliyeed.

Dowladda soomalia waxaa deeqdaan u gadoomay oo munaasabadda ku sugnaay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka dowladda Soomaaliya Cilmi Cumar Ceysane waxaana uu dowladda turkiga uga mahad celiyay deeqdaan ay shacabka soomaliyeed usoo direen.

Related posts

Siyaasi Abdiweli Garyare oo kulan la qaatay xildhibaanada Galmudug, kuna socda wadadii Xaaf.

admin

Maamulka Ahlusunna oo Cambareyeey Qarixi Maanta Garowe Kadhacay+ Warsaxafadeed

admin

DEG DEG: Toogasho ka dhacday Bartamaha Magaalada Nairobi iyo kala Carar…

Tifaftiraha K24