Animation

Daawo: Magaalada Qandala oo lagu soo bandhigay Hub iyo Saanad Milatari oo laga furtay Daacishtii Magaalada laga saaray

no responses
Wednesday January 11, 2017 - 7:53 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Saraakiisha Ciidamada hawlgalada ka fulinaya Degmada Qandala iyo degaanada hoos yimaada ayaa soo bandhigay saanad Milateri iyo waxyaaba kale oo ay ka qabsadeen kooxda Daacish oo dhawaan laga saaray Qandala.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa Ciidamada ku booriyey inaysan ka daalin difaacidda dalkooda hooyo, isla mar ahaantaana ay dardar geliyaan dadaalka dheeriga ah ee ay ugu jiraan inay ka difaacdaan Kooxaha Argagaxisada ee Duulaanka ku ah Puntland.

Gaas ayaa kormeeray Ciidamada Puntland ee howlgallada ka fuliyey degmada Qandala, islamarkaana gacanta ku dhigay degmadaasi, isagoo booqday goroonka diyaaradaha ee Magaaladaasi iyo sidoo kale khooriga badda ee degmadaasi.

Garoonka Diyaradaha ee Deegaanka Qandala ayaa waxa ugu dambeysay isticmaalkiisa markii ay jirtay Dawladdii dhexe ee Dalka ka talineysay ilaa 90-kii.

hu hu1 hu2 hu3 hu4 hu5 hu6 hu7