Somali News

Daawo: Magaalada muqdisho oo maanta si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay guddoomiye taabit cabdi maxamed

Magaalada muqdisho waxaa maanta soo gaaray guddoomiyaha cusub ee gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.

Garoonka diyaaraddaha aadan cadde ee magaalada muqdisho ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay guddoomiye taabit.

Kuxigeenada Gobolka Banaadir, Mas’uuliyiin, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhoweyeay Guddoomiyaha cusub garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Taabit Cabdi Maxamed oo si kooban Saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo gaaritaanka Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Taabid ayaa ahaa Safiir kuxigeenka Mareykanka ahna Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya ee Washington, oo loo magacaabay labo sanno ka hor.

Mr Taabid Cabdi ayaa caawa lagu wadaa in Muqdisho loogu sameeyo xaflad soo dhoweyn ah, iyadoo maalinta Sabtida ee soo socotana uu xilka la wareegayo.

Shacabka soomaaliyeed ee ku nool caasimadda muqdisho ayuu ugu baaqay in maamulka gobolka ay kala shaqeeyaan nabad galyada caasimadda iyo bilicda magaalada muqdisho.

Related posts

Ninkii Dilka ugu hanjabay Ilhaan Cumar oo

admin

XOG: Xildhibaanadii taageersanaa Guddoomiye Jawaari oo ku biiray ololaha doorashada Guddoomiyaha cusub

admin

Daawo: Wadooyinka Muqdisho oo dhufeesyo waaweyn laga qoday iyo Shacabka oo Wal wal cusub soo food saartay

Tifaftiraha K24