Animation

Daawo: Magaalada Kismaayo oo Maanta lagu soo bandhigay ninkii Gabadha kusoo dhaawacay Boosaaso ee Jubbaland ay qabatay

no responses
Friday November 10, 2017 - 7:12 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland ayaa maanta markii ugu horeysay sheegay in ay soo qabtayn Askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland oo dhibaato ka soo geystay magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari kaas oo maalmihii la soo dhaafay ku dhuumaaleysanayay deegaanada Jubbaland.

Korneel Cabdi Naasir Taliyaha Booliska Jubaland ayaa oo maanta wariyaasha kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in ay soo qabteyn Eedeysane C/qaadir Warsame Axmed oo ku eedeeysnaa in 27-ka bisha October ee sanadkan uu isku dayay in uu kufsado Gabar 15 jir ah markii ay u suurta gali weysayna uu rasaas kaga dhuftay ILMO galeynka falkaas kadibna  soo baxsaday deegaanada Puntland.

Gabadha dhaawaca oo ku jirta xaalad halis ah ayaa xiligaan lagu dabiibayaa Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho balse dhaqaatiirta ku howlan daryeelkeeda ayaa soo sheegayo in ay ka soo rayneyso sidii ay aheyd markii la dhaawacay.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Eedeeysanaha ayaa saaka lagu soo bandhigay xarunta Booliska Jubaland, ayadoo saraakiisha ciidamadu ay sheegeen in ay u suurogashay in ay ninkani gacanta ku dhigeen kadib markii ay heleen xog ah in uu yimid Kismaayo.

Hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka iyo qaar kamid ah ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay falka kufsiga ah ee loo geeystay gabadhaasi Soomaaliyeed, wallow ilaa hadda aysan maxkamadi xukun ku ridin eedeeysane C/qaadir Warsame Axmed.

Jubbaland ayaa sheegtay in ninkaan ay u gacan gilin doonto Maamulka Puntland maadaama deegaanadooda ay ka dhacday dhibaatada lagu soo eedeeyay.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.