Animation

Daawo: Magaalada jowhar oo uu ka furmay shir lagu heshiisiinaayo beelo dhawaan ku dagaalamay deegaano hoostaga cadalle

no responses
Monday July 31, 2017 - 2:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kulan lagu heshiisiinayo beelo dhowaan ku dagaalamay deegaan ka tirsan degmada Cadale ayaa goordhow waxa uu ka furmay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Munaasabada furitaanka gogosha ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay Dowlada Federalka Soomaaliya,dowlad goboleedka Hirshabelle iyo Maamulka gobolka Sh/dhexe.

Mas’uuliyiinta ka hadashay furitanka madasha ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise,Xildhibaan Baarlamaanka federalka Maxamed Cumar Ceymoy,Senatar Samsam Daahir,Wasiir ku xigeenka Dekedaha Cismaan Daalo,Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Wasiirka amniga dowlada federalka Maxamed Abukar Islow oo ka hadlay munaasabada furitaanka kulankan ayaa ka codsaday duqeyda iyo waxgaradka ka qeybgalaya in ay ka heshiiyaan colaada si dib u dhis loogu bilaabo deegaanadii ku burburay dagaalada.

“Waxaan ka codsanayaa odayaasha dhaqanka in la isu sabro si loo gaaro nabad waarta,waxaadna iga guddoontaan salaam aan idinkaga wado Madaxweynaha,ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhamaantood aad u jecel in beelaha ay heshiiyaan oo nabad ku wada noolaadaan.”ayuu yiri wasiirka Amniga Gudaha ee dowlada Federalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ka hadlay furitaanka gogosha ayaa sheegay  inuu ku faraxsan yahay in duqeyda dhaqanka ee beelaha khilaafka uu u dhexeeyay ee aqbalay inay gogoshaan soo fariistaan isagoo sidoo kale u mahadceliyay mas’uuliyiinta heer federal ee ka yimid magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

“Walaalkaa haddaa dishid waa garabkaagi oo go’ay,maalinta aaqirana waxbaa lagaa weydiin dagaalna wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen oo ka hadlayay madasha shirka dib u heshisiinta ee maanta ka furantay magaalada Jowhar,

Beelaha gogosha dib u heshiinta uga furantay magaalada Jowhar ayaa dhowaan maleeshiyaad ka soo jeeda dagaal ku dhex maray deegaan ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe iyadoo dagaalkaa uu ahaa mid soo laablaabtay.